Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka , Ezekiel Machogu oo ka soo hormuuqday guddiga arrimaha tacliinta ee baarlamaanka ayaa sheegay in baaritaano dabagal ah lagu sameyn doono khaladaad la soo tabiyay kuwaasoo la xiriiray natiijadii imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu warqad u qoray dhigiisa wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda Eliud Owalo.
Machogu ayaa doonaya in wasaaradda ay baaritaano sameyso ka dibna ay muddo 14 cishe gudaheeda ah warbixin ku soo saarto.
Waxaa la eegaya sida ay ku dhacday inuu hakad ku yimid soo saaridda natiijooyinka ardayda iyo in qaar ka mid ah ay ka timid cabasho ku aaddan in buundooyin aan sax ahayn la siiyay.
Dhanka kale wasiirka ayaa beeniyay eedeyn ka timid madaxa mucaaradka Raila Odinga oo ahayd in qandaraas loogu talagalay shirkad laga leeyahay Ingiriiska ay mid maxalli ah la wareegtay taasoo ay saameyn ka dhalatay.