Waxaa dowladda baaq u diray qoyska iyo ehellada Aadan Cismaan oo ka mid ah macallimiinta madarasooyinka xaafadda Islii ee magaalada Nairobi kana soo jeedo Soomaaliya.
Saddex toddobaad ka hor ayay ahayd markii dad aan weli haybtoodu la garan ay afduubteen macallinka abaare 11-kii habeenimo.
Waxay xilligaasi wada socdeen saaxibkii oo ay ka soo baxeen maqaaxi ku taalla xaafadda Islii.
Muuqaal ay duubtay kaameerada qarsoon ee CCTV-da ayaa laga dhex arkaya Aadan Cismaan oo taleefoon ku hadlaya oo ay si awood ah gaari u gelinayaan dad aan la aqoonsan oo baabuurka ka soo degay iyo kuwo dhanka dambe uga yimid.
Xubnaha qoyska Aadan Cismaan ayaa sheegay inay falkaasi ku tuhunsan yihiin saraakiisha dowladda oo ay codsanayaan in haddii uu dambi sameeyay maxkamadda la soo taago haddii kalena uu xurriyadiisa dib u helo.
Dhacdadan ayaa noqonaysa afduubkii afaraad ee xilliyadii ugu dambeeyay laga soo tabiyay gudaha caasimadda dalka ee Nairobi.
Waxaa ka sii horreysay in la afduubtay wakiilkii hore ee deegaanka hoose ee South C , Cismaan Khaliif , Ann Njeri oo ganacsato ah iyo guddoomiyaha shirkadaha Rai , Jaswant Rai in kastoo dhammaantood maalmo ka dib la helay iyagoo badqaba.