Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 3 ka mid ah saraakiisha taraafikada oo loo xiray inay laaluush qaadanayeen

3 ka mid ah saraakiisha taraafikada oo loo xiray inay laaluush qaadanayeen

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in saaka gacanta lagu dhigay saddex ka mid ah ciidamada waaxda taraafikada ee dalka xilli ay laaluush ka qaadanayeen gaadiidleyda.
Waxaa howlgalkaasi ka baxsaday sarkaal afaraad oo lagu raad joogo.
EACC ayaa howlgalkan ka fulisay waddada Mai Mahiu meel aan sidaasi uga fogeyn isgoyska Karagita ee magaalada Naivasha oo ka tirsan ismaamulka Nakuru .
Guddiga ayaa intaasi ku daray in sarkaalka baxsaday uu rasaas ku furay howlwadeenadii isku dayay inay xiraan.
Hasa ahaate ma jirta waxyeello ka dhalatay rasaasta uu askariga ku furay saraakiisha EACC.
Saddexda sarkaal ee la xiray ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ee xarunta dhexe ee EACC ee magaalada Nairobi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments