DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in la kordhinaya maalgelinta kooxaha haweenka iyo dhallinyarada

0
191

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in sare loo qaado ka qayb gelinta maaliyadeed ee muwaadiniinta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay laba jibbaari doonto kheyraadka ay ku taageerto ururrada dhallinyarada iyo haweenka.
Waxaa uu xubnaha kooxahan ku boorriyay inay caado ka dhigtaan inay lacagahooda keydsadaan si ay dowladda uga helaan maalgelin dheeraad ah.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay inuu rajeynaya in la gaaro xilli ay Kenya amaah ka qaadato ururrada ganacsi ama maalgalineed ee ka jiro gudaha wadanka.
Waxaa uu ku celceliyay in waddamada hadda amaahda siiya dalka ay muwaadiniintooda xilli hore xoogga saareen inay lacago keydsadaan taasoo kobcisay dhaqaalaha dalalkooda.

Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ka qayb galay munaasabad lagu xusayay sanadguuradii 14-aad ee ka soo wareegatay xilligii la aasaaday hay’adda haweenka ee Joyful Women Organisation taasoo lagu qabtay fagaaraha caalamiga ee Moi International ee ismaamulka Nairobi.