Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Maxkamadda sare oo hakisay shaqo joojin lagu sameeyay 67 booliis ah

Maxkamadda sare oo hakisay shaqo joojin lagu sameeyay 67 booliis ah

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar lagu hakinaya in lagu tallaabo qaado go’aan shaqada looga joojiyay 67 ka mid ah ciidamada booliiska ee wadanka.
Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Koskei ayaa horay go’aankan u shaaciyay .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in saraakiishan ay ku lug yeesheen falalka musuqmaasuqa.
Hasa ahaate waxaa maxkamadda dacwad u gudbiyay Memba Ocharo oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada oo uu matalaya qareenkiisa Danstan Omari.
Waxaa uu Ocharo ku doodaya in go’aanka uu qaatay Felix Koskei uu yahay mid aan loo marin habraaca habboon.
Ocharo ayaa intaasi ku daray in tani ay si toos ah ugu xadgudbaysa xeerarka dastuuriga ah.
Waxaa uu maxkamadda ka codsaday inay sidoo kale soo saarto amar lagu hor istaagaya faragelinta waajibaadka shaqo ee saraakiisha shaqada laga joojiyay ilaa ay maxkamaddu go’aan kama dambeys ah ka gaareysa dacwaddan.
Memba Ocharo ayaa intaasi ku daray in saraakiisha shaqada laga istaajiyay aan la siin fursad ay iskaga difaacaan eedeymaha musuqmaasuqa ee loo jeediyay.
16-kii bishan ayay ahayd markii uu madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Koskei uu soo saaray amarka ay hadda maxkamadda hakisay in la fuliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments