Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa kulan la yeeshay wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo arrimaha dhaqaalaha ee dalka Austria Dr. Martin Kocher oo ku booqday xarunta dhexe ee wasaaradda difaaca.
Labada wasiir ayaa yeeshay wada hadallo labo geesood ah.
Wasiir Ducaale ayaa bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeya Kenya iyo Austria .
Waxaa uu sheegay in dalkaasi uu muddo ahaa saaxiibka Kenya ee dhanka ganacsiga oo ay Austria diyaar u tahay inay iibsato badeecooyinka lagu soo saaro gudaha wadanka sida khudaarta , caleenta shaaha, qaxwada iyo ubaxyada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in labada dowladood ay xoojiyaan iskaashigooda dhanka difaaca iyadoo la wada gaaraya heshiis arrimahan lagu hagi karo.
Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inay jiraan dhinacyo badan oo ay labada dal ka wada shaqeyn karaan sida tababarrada ciidamada militariga, waxbarashada, in la wadaago xogaha sirdoonka, tiknolojiyadda, daryeelka caafimaad ee ay helaan ciidamada , cilmi baarista , horumarka , la dagaalanka argagixisada, la tacaalidda weerarrada dhanka intarneetka iyo cayaaraha.
Waxaa sidoo kulankaasi ka qayb galay taliyaha guud ee ciidanka difaaca dalka General Francis Ogolla iyo mas’uuliyiin kale.




