Ugu yaraan hal qof oo ku dhintay dhulgariirka Afghanistan

0
261

Ugu yaraan hal ruux ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay halka ku dhawaad 100 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii dhulgariir uu cabbirkiisu yahay 6.3 uu ku dhuftay gobolka galbeed ee Herat ee dalka Afghanistan.
Waa musiibadii saddexaad ee gobolkaasi laga soo tabiyo tan iyo 8-dii bishan.
Dhacdooyinkii hore ee dhulgariirka ahaa ee Herat waxaa ku nafwaayay in ka badan 2,000 oo qof.
Dhulgariirka maanta laga soo tabiyay galbeedka Afghanistan waxaa xaqiijisay waaxda Maraykanka u qaabilsan baaritaannada dhulalka ee USGS.