Haweeney booliis ah oo loo xiray inay ninkeeda toogatay

0
374

Waxaa gacanta lagu dhigay haweeney booliis ah oo ka howlgaleysay magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu oo lagu eedeyay inay ninkeeda toogatay 12 mar.
Tani ayaa timid ka dib markii muran dhanka qoyska ah uu lamaanaha ku dhex maray duleedka magaaladaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in haweeneyda oo ah hooyo dhashay saddex carruur ah la shaqeynaysay waaxda taya dhowrka badeecooyinka ee (KEBS) oo ay aroornimadii hore ee saaka gurigeeda dib ugu soo laabatay iyadoo hubeysan ka dibna markii ay iyada iyo odaygeeda murmeen ay toogatay.
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay taliyaha booliiska ee ismaamulka Uasin Gishu ,Benjamin Mwanthi.
Waxaa uu sheegay in meydka ninka la dilay la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka wayn ee Moi iyadoo eedeysanaha lagu wado in berri maxkamadda la soo taago.