Waxaa lagu soo warramayaa in aabe dhalay 6 carruur ah uu ku geeriyooday ismaamulka Kakamega ee Galbeedka dalka halka xaaskiisa ay dhaawacantay.
Tani ayaa timid ka dib waxyeello ka soo gaartay haanta gaaska cuntada lagu karsado oo qaraxday.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay tuulada Shebyoni iyadoo dhaawaca haweeneyda soo gaaray uu yahay mid culus.
Ninka dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Hopkins Matsili wuxuuna ahaa 38 sano jir .
Waxaa uu geeriyooday ka dib markii la geeyay isbitaalka guud ee Kakamega si looga daaweeyo dhaawacyo soo gaaray.




