DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo amray in la toogto burcadda

0
336

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka aynan marnaba ka gaabin doonin inay difaacaan nolosha shacabka iyo hantidooda iyagoo u hoggaansamanaya xeerarka dastuuriga ah.
Kindiki ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Meru waxaa uu ciidamada ammaanka amar ku siiyay in haddii ay naftooda halis ku jirto ay burcadda xoolaha dhacda iskaga difaacaan hubka ay dowladdu siisay oo ay toogtaan.
Wasiirka ayaa ku celceliyay in aan marnaba la aqbali karin in shakhsiyaad shacabka dhibaateynaya ay khatar geliyaan nolosha ciidamada ammaanka.