DHAGEYSO:Gachagua oo midnimo ugu baaqay siyaasiyiinta Kenya Kwanza

0
272

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa siyaasiyiinta ka tirsan isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ku boorriyay inay muujiyaan midnimo buuxda.
Waxaa uu sheegay inuu dadaal ku bixiyay mideynta hoggaamiyaasha gobolka bartamaha dalka ka hor inta uunan u gudbin gobollada kale.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Narok ayuu hoggaamiyaha labaad ee dalka sheegay in madaxda ismaamullada iyo mas’uuliyiinta dowladda sare laga doonayo inay ka wada shaqeeyaan wanaajinta nolosha shacabka iyo sare u qaadidda adeegyada bulshada.