Aqalka sare oo u yeeray baadari laga wareysanaya dhimashooyinkii Shakahola

0
243

Guddi uu aqalka sare ee dalka u xil saaray baaritaannada la xiriira dhimashooyinkii laga soo tabiyay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi ayaa u yeeray baadari lagu magacaabo Ezekiel Odero.
Waxaa la doonaya in baadarigan uu guddiga ka soo hormuuqdo abaare 10-ka barqannimo ee berri oo Jimco ah.
Xubnaha guddiga ayaa dabagal ku sameynaya sababihii keenay in boqolaal qof oo taabacsanaa baadariga kaniisadda Good News International ee Kilifi , Paul Mackenzie meydadkooda la helay iyagoo lagu aasay xabaal wadareedyo.
Odero oo horay u beeniyay inuu wax xiriir ah ka dhexeeya isaga iyo Mackenzie ayaa la filayaa inuu guddiga senate-ka la wadaago macluumaad ku saabsan qaabkii loo diiwaangeliyay kaniisadda uu hoggaamiyo iyo inay u hoggaansamaan xeerarka degsan.
Sidoo kale waxaa laga wareysan doonaa caqiidooyinka ay faafiyaan qaar ka mid ah baadariyaasha ee halis gelin karo nolosha dadka ku xiran.