Duqeymo dhanka cirka ah ay Israa’iil ka fulisay marinka Gaza, ayaa lagu dilay ugu yaraan 198 Falastiiniyiin ah, sida laga soo xigtay ilaha caafimaadka ee Gaza.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ku dhawaad 1,000 kalena ay dhaaacmeen, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Israa’iil.
Arrintan ayaa timid ka dib markii dhaqdhaqaaqa Xamaas ee dalka Falastiin ay weerar ku qaadday Israa’iil oo ay dishay ugu yaraan 70 Yuhuud ah, halka boqollaal kalena ay dhaawacmeen.
Israa’iil ayaa goor sii horreysay sheegtay inay duqeymo ku billowday bartilmaameedyo ku yaalla Qaza si ay jawaab uga bixiso weerarka gantaallada ee saaka lagu soo qaaday.
Wararka ka soo kordha halkan ayaad kala socon doontaan.




