Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya oo dalalka Afrika kula ganacsan doonto shilinka wadanka

Kenya oo dalalka Afrika kula ganacsan doonto shilinka wadanka

Wasiirka wasaaradda ganacsiga , warshadaha iyo maalgashiga ee dalka Moses Kuria ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay Kenya ku biiri doonto hannaanka bixinta lacagaha ee xorta ah ee loo yaqaano (PAPSS).
Tani ayaa timid ka dib heshiis maaliyadeed oo la saxiixday.
Tallaabadan ayaa la rajeynaya inay meesha ka saarto caqabadaha dhanka ganacsiga iyo maaliyadda ee ka dhexeya Kenya iyo waddamada ku mideysan nidaamka PAPSS.
Moses Kuria oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in tani ay micnaheedu tahay in shirkadaha dalka aynan hadda ka dib qasab ku noqon doonin inay wax ku iibsadaan lacagaha shisheeye sida doolarka.
Waxaa uu tilmaamay in shirkadaha dalka iyo kuwa kale ee qaaradda Afrika ay wax ku kala iibsan doonaan lacagahooda maxalliga ah sida shilinka dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments