Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto oo maanta tagay ismaamulka Bomet ayaa sheegay in aan wakhti xaadirkan loo baahneyn in shacabka lagu qanciyo siyaasad qabyaalad ku saleysan.
Waxaa uu xusay in muwaadiniinta dalka ay doonayaan oo keliya xal u helidda caqabadaha haysta.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay inay khasab tahay in mashaariicda iyo barnaamijyada dowladda ay noqdaan kuwo mudnaanta koowaad siinaya arrimaha ay shacabku daneynayaan isagoo intaasi ku daray in xilligan aan baahi loo qabin sharci beddel.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in xisbiga talada haya ee Jubilee ay burburiyeen shakhsiyaad dano gaar ah leh.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo tilmaamay in kulamada lagu qabto xarunta dhexe ee xisbiga Jubilee ee Nairobi aynan ahayn kuwo midnimo looga shaqeeyo balse sida uu hadalka u dhigay xisbiga lagu sii burburinayo.
Faragelin uu sheegay in lagu hayo xisbiga Jubilee ayuu dhanka kale xusay inay saameysay qorshihii horumarineed ee la dejiyay
William Ruto ayaa ku nuuxnuuxsaday in si kasta loo loogu caga jugleeyo ama loo dhibaateeyo uunan ka leexan doonin qorshihiisa.
Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo ay siyaasad ahaan is hayaan ayuu Ruto farriintan u diray
Senatarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Mr. Kipchumba Murkomen ayaa dhankiisa sheegay inay u taagan yihiin siyaasad ku saleysan danaha shacabka oo aan adeegsan qabyaalad.