Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dhallinyarada Nairobi oo loogu baaqay inay si nabad ah ku codeyaan

Dhallinyarada Nairobi oo loogu baaqay inay si nabad ah ku codeyaan

Musharraxa xilka guddoomiyaha ismaamulka Nairobi ee xisbiga UDA Margaret Wanjiru ayaa da’yarta ku boorisay inaynan rabshad sameyn xilliga la qabanaya doorashada ku celiska ah.
Waxaa uu qorshuhu yahay in 18-ka bisha labaad ee sanadkan ay qabsoonto codeyn lagu soo xulanaya mas’uul buuxiya xilkii laga qaaday Mike Sonko.
Margaret Wanjiru ayaa dhanka kale sheegtay in shalay uu jiray iskuday ku aaddan in rabshado ay ka dhacaan xarunta dhexe ee xisbiga UDA ee magaalada Nairobi.
Haweeneydan ayaa xustay in falkaas ay soo abaabuleen dad aynan magacaabin balse ay tilmaantay inay siyaasad ahaan isku hayaan.
Waxay dhallinyarada kula talisay inaynan marnaba oggolaan in si aan habbooneyn loo adeegsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments