Ruushka oo sheegay inuu soo riday 19 ka mid ah diyaaradaha Ukraine

0
218

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in hannaankeeda difaaca hawada sare lagu soo riday 19 ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay adeegsanaysay Ukraine.
Wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda Moscow ayaa laga soo xigtay in diyaaradahan xalay lagu soo bartilmaameedsaday gobolka Crimea, aagga Badda Madow iyo gobollada kale ee dalkaasi.
Bayaanka wasaaradda waxaa qayb ka ah in weerarradaasi laga hor tagay.
Ruushka ayaa tan iyo bishii labaad ee sanadkii hore gudaha Ukraine ka wado duullaan militari iyadoo xukuumadda Kyiv ay bilooyinkii ugu dambeeyay sare u qaadday howlgallada iska caabinta ah.