Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay kheyraad u raadiso oo ay ugu talagasho la tacaalidda caqabadaha ku hor gudban in laga dhabeeyo ujeeddooyinka horumarka waara ee loo yaqaano Sustainable Development Goals.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka xusay in tani ay muhiim tahay si kobaca dhaqaale uu ula jaanqaado cimillada wanaagsan.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in waddamo badan gaar ahaan kuwa qaaradda Afrika aynan ku guulaysan dhaqangelinta ujeeddooyinka horumarka waara ee SDGs maadaama ay wajahayaan culeysyo sida deymo shisheeye , sicir barar , dagaallo iyo isbeddellada cimillada.
Waxaa uu sheegay in hadii la xoojiyo raasimaalka ay Afrika ka hesho dunida inteeda kale in si buuxda looga faa’iidaysanaya kheyraadka dabiiciga ah, dhul beereedka abuurka ku wanaagsan iyo kartida shaqaalaha.
Arrintan ayuu madaxweynaha dalka sheegay xilli uu qayb ka guddoominayay wada xaajood golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay uu ka yeeshay ujeeddooyinka horumarka waara gaar ahaan adeegsiga hal-abuurka sayniska iyo tiknolojiyadda iyo macluumaadka si loo qaado tallaabooyin horumarineed.
Waxaa kulankaasi wada guddoominayay isaga iyo madaxweynaha dalka Slovenia Nataša Pirc Musar.
Madaxweyne Ruto ayaa wada tashigan ka hor ka qayb galay madal siyaasadeed oo uu heerkeedu sarreeyay .
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale halkaasi kula kulmay wasiirka warshadaha ee dalka isu tagga imaaraadka carabta Axmed Al Jaber, aasaasaha shirkadda Microsoft ,Bill Gates,duqii hore ee magaalada New York City, Mike Bloomberg, madaxa ururka caalamiga ee ilaalinta bey’ada Razan Al Mubarak , ganacsadaha u dhashay Zimbabwe Strive Masiyiwa iyo Dr .Mo Ibrahim .
William Ruto ayaa ku baaqay in dib u habeyn lagu sameeyo bixinta deymaha caalamiga ah iyo horumarinta hay’adaha maaliyadeed ee dunida.
Madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale ka qayb galay kulan ku saabsanaa maalgelinta kobaca beeraha ee Afrika oo ay si wadajir ah u marti gelinayeen hay’adda horumarka caalamiga ee Maraykanka ee (USAID) iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Norway.
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in la joogo xilligii la ballaarin lahaa wax soo saarka beeraha Afrika si loo cirib tiro baahida iyo saboolnimada.
Hoggaamiyaha dalka Slovakia ,Zuzana Caputova ayaa dhankeeda muujisay in dowladeeda ay ka go’an tahay inay garab siiso barnaamijka gaadiidka ku shaqeeya korontada.
Ruto iyo Zuzana ayaa dhanka kale isku afgartay inay iska kaashadaan sare u qaadidda soo saaridda bacriminta iyo la dagaalanka dembiyada lagu fuliyo aaladaha intarneetka.
Madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Denmark, Mette Frederiksen oo ballan qaadday inay taageeri doonto dadaallada nabadeed ee geeska Afrika.