Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday qorsho qaran oo lagu soo afjaraya tacaddiga jinsiyadeed ee (GBV).
Tani ayaa timid ka dib muddo sanado ah oo la isu geynayay dadaallada dhibaatooyinkan lagula tacaalaya sidoo kalena lagu xaqiijinaya badqabka dhibanayaasha.
Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda , Aisha Jumwa ayaa soo bandhigtay xeerarka badbaadinta ee ka dhanka ah GBV.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dowladda aynan u dul qaadanayn falalkan sidaasi awgeedna ay shaacinaysa dagaal ka dhan ah tacaddiga jinsiyadeed.
Aisha Jumwa ayaa sheegtay in dhibbanayaasha shaqaaqooyinka jinsiyadeed ay dhibaatooyin kala kulmaan inay helaan foomka loo yaqaano P3-da maadaama lacago lagu xiro waxayna saraakiisha booliiska ku amartay inay foomkan ku bixiyaan si lacag la’aan ah.
Wasiiradda ayaa intaasi ku dartay in dowladdu ay ku howlan tahay sidii lagu soo dhisi lahaa sanduuqa lagu caawinaya dadka dhibaatooyinkan ka badbaaday.
Darasaad la sameeyay sanadkii hore oo lagu eegayay arrimaha caafimaadka iyo tirada dadweynaha ee dalka ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 34 ee haweenka kenyaanka ah ay tacaddi jinsi oo ah mid jireed ay la kulmeen tan iyo markii ay da’doodu ahayd 15 sano