Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki oo maanta gaaray ismaamulka Wajeer halkaasi oo uu si rasmi ah ugu howlgeliyay degmada Kutulo ee ka tirsan deegaanka Tarbaj ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda aynan marnaba ka gaabin doonin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Kindiki ayaa kooxdan ku tilmaamay cadowga ugu wayn ee Kenya.
Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay sugidda amniga gobolka Waqooyi Bari si ismaamullada Garissa,Wajeer , Mandera iyo Lamu looga cirib tiro weerarrada argagixisada.
Kindiki ayaa shacabka Waqooyi Bari u xaqiijiyay in laamaha ammaanka ay burburin doonaan Al-Shabaab si la mid ah kooxdii dhaca xoolaha ka gaysanayay gobolka Rift Valley.
Wasiirka ayaa bulshada ugu baaqay inay la shaqeyso saraakiisha ammaanka oo laga hor tago iskuday kasta oo ku aaddan in dhallinyarada lagu duufsado xagjirnimada rabshadeysan.
Prof. Kindiki ayaa dhanka kale waalidiinta ku borriyay inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa carruurtooda oo ay ka waaniyaan ku lug lahaanshaha falalka amniga liddiga ku ah.
Wasiir Kindiki ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay si wayn u qalabeyn doonto ciidamada ammaanka si ay u badbaadiyaan kenyaanka iyo hantidooda.
Waxaa uu dhanka kale bogaadiyay saraakiisha ka tirsan waaxyaha kala duwan ee amniga ee si hagar la’aan ah uga shaqeynaya Waqooyi Bari isagoo xusay in hadda uu xiriir wanaagsan kala dhexeya shacabka .
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa dhanka kale sheegay in dowladdu aynan marnaba u dul qaadan doonin dilalka sharci darrada ah isagoo xusay in waa hore laga soo gudbay dhacdooyinkii dadka lagu wayn jiray.
Kindiki ayaa goobjoog u ahaa munaasabad lagu daahfurayay xarunta dhexe ee degmada Kutulo iyo in halkaasi la geeyay guddoomiyihii ugu horreeyay ee dowladda dhexe ku matalo Kutulo Mr. Faarax Xasan Maxamad.
Tirakoobkii la sameeyay sanadkii 2019-kii ayaa muujinaya in degmada Kutulo ee ismaamulka Wajeer ay xilligaasi ku noolaayeen 28,167 oo qof.
Waxaa wasiirka maanta wehelinayay xildhibaanka deegaanka Tarbaj , Xuseen Cabdi Barre , wakiillada degaannada hoose iyo saraakiil matalayay dowladda dhexe iyo midda ismaamulka.
Digniinta uu maanta diray wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa ku soo beegmaysa maalmo ka dib markii ugu yaraan afar qof oo shacab ah ay ku dhinteen qarax ka dhacay degmada Ceelwaaq ee ismaamulka Mandera.