Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Dowladda oo sanadka dambe mamnuuci doonto in kabaha dibadda laga keeno

DHAGEYSO:Dowladda oo sanadka dambe mamnuuci doonto in kabaha dibadda laga keeno

Dowladda dhexe ayaa qorsheynaysa in laga billaabo sanadka 2024-ka aan wadanka la keenin kabo laga soo dejiyay dibadda.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga dalka Moses Kuria xilli uu magaalada Rumuruti ee ismaamulka Laikipia uu xariga uga jarayay goobo ganacsi.
Kuria ayaa hoosta ka xarriiqay in marka la gaaro sanadka soo socdo ay Kenya lahaan doonto warshado ku filan oo soo saara noocyada kala duwan ee kabaha.
Waxaa uu intaasi ku daray in keliya ismaamulka Laikipia uu awood u leeyahay inuu bishiiba soo saaro in ka badan 1 milyan oo kabo ah.
Wasiirka ganacsiga ee dalka ayaa si cad u sheegay in cidii aan diyaar u ahayn inay xirato kabo lagu sameeyay gudaha wadanka inuu qofkaasi socon karo isagoo caga maran.

https://x.com/HonMoses_Kuria/status/1703765820378165417?s=20

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments