Hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa sheegay inay jirto waddo kale oo u furan haddii aan lagu guulaysan wada xaajoodyada siyaasadeed ee kala dhexeya garabka dowladda ee Kenya Kwanza.
Madaxda ugu sarreysa Azimio ee kala ah Raila Odinga iyo Kalonzo Musyoka ayaa xilli ay ku sugnaayeen ismaamulka Kisii hoosta ka xarriiqay inay weli xubnaha dowladda fursad buuxda u siinayaan in laga heshiiyo qodobbo ay ka mid yihiin yareynta qiimaha sarreeya ee maciishadda iyo helidda cadaalad dhanka doorashooyinka ah.
Mr. Odinga ayaa carrabka ku adkeeyay in haddii ay kooxda matalaysa Kenya Kwanza ka dareemaan laablaab inay qaab kale adeegsan doonaan.
Madaxa xisbiga Wiper ahna hoggaamiyaha kooxda mucaaradka ee wada hadallada Kalonzo Musyoka ayaa dhankiisa madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua kula taliyay inuunan caqabad ku noqon geeddisocodkan oo uu aragtidiisa xita haddii ay tahay mid ka duwan tooda uu miiska wada xaajoodka ku soo bandhigo.