DHAGEYSO:Raila oo dowladda ugu baaqay inaynan faragelin shaqooyinka ismaamullada

0
210

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay dowladaha ismaamullada fursad u siiso inay fuliyaan mashaariicda horumarineed ee la daadajiyey.
Mr. Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay in dastuurka wadanka uu si cad u qeexaya shaqooyinka labada heer ee dowladda.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay mashruuca guriyeynta oo uu xusay inuu hoos tagaya ismaamullada balse ay fuliso dowladda sare.
Dhanka kale ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo maanta la hadlayay shacabka ku nool ismaamulka Kisii ayaa madaxweynaha wadanka William Ruto ku dhaliilay barnaamijka hoos loogu dhigay qiimaha bacriminta.
Waxaa uu Odinga ku andacoonaya in bacriminta ay ku deeqday dowladda Ruushka balse weli laga iibinaya beeralayda kenyaanka ah.