In ka badan 230 kiis oo musuqmaasuq ah oo laga soo tabiyay waqooyiga dalka

0
232

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa shaaca ka qaaday in loo soo gudbiyay kiisas gaaraya 231 oo saameeyay ismaamullada Wajeer, Mandera , Marsabit iyo Samburu.
Guddiga ayaa sheegay in dhacdooyinkan ay la xiriiraan in aan loo hoggaansamin hab-raaca habboon ee xeerarka soo iibsashada agabka iyo bixinta qandaraasyada.
Madaxa fulinta ee guddiga EACC,Twalib Mbarak oo hor tagay guddiga aqalka sare ee arrimaha cadaaladda , sharciga iyo xuquuqul aadanaha ayaa hoosta ka xarriiqay in kiisaskan la ogaaday ka dib baaritaano la sameeyay.
Mr. Mbarak ayaa intaasi ku daray in 90 ka mid ah falalkan laga soo tabiyay ismaamulka Marsabit waxaana soo raacda Samburu oo ah 87 halka kiisaska musuqa ee dowlad deegaannada Wajeer iyo Mandera ay kala yihiin 32 iyo 22 .
Madaxa EACC ayaa tilmaamay inay baaritaannada diiradda ku saareen kiisaska khuseeya dad saameyn leh, danta guud iyo falalka lagu lunsaday lacagaha ugu badan.
Warbixinta guddiga waxaa ku cad in isku celcelis ahaan sanadkiiba loo soo gudbiyo 9,000 oo ah warbixinnada ku tagriifalka kheyraadka dadweynaha.