Markii ugu horreysay Kenya Kaneeco halis ah oo lagu arkay Mandera

0
308

Saynisyahannada caafimaadka ee dalka ayaa ka digay nooc cusub oo Kaneeco ah oo ka halis badan kaneecada kale.
Kaneecadan ayaa keeni karta cudurro halis ah.
Waxaa sidatan shaaciyay machadka sameeya cilmi baarista dhanka caafimaadka dalka ee KEMRI.
Kaneecadan ayaa loo yaqaano Anophelese Stephensi ayaa gudbisa noocyo kala duwan oo fayras ah oo ka duwan kaneecada kale.
Nooca cusub ee Kaneecada ayaa laga helay ismaamulka Mandera ee Waqooyi Bari Kenya.
Saynisyahannada ayaa haatan wado baaritaan ku aadan in nooca cusub laga helay deegaannada kale ee dalka.
Waxaa noocan cusub ee Kaneecada sidoo kale lagu arkay waddamada kala ah, Soomaaliya, Jabuuti, Suudaan iyo Nigeria.
Sidoo kale waxaa kiisas la xiriira laga diiwaangeliyay waddamo ku yaalla qaaradda Asia iyo Carabta.
Dhanka kale, dadweynaha ayaa lagu boorriyay inay ku dadaalaan maro kaneecada ama shandarwada, sida ay uga gaashantaan xanuunnada laga dhexli karo nooca cusub ee Kaneecada.