DHAGEYSO:Malala oo xisbiyada ANC iyo Ford Kenya ugu baaqay inay ku biiraan UDA

0
253

Xoghayaha Guud ee xisbiga talada wadanka haya ee UDA Cleophas Malala ayaa mar kale xisbiyada ANC iyo Ford Kenya ugu baaqay inay ku soo biiraan UDA.
Malala ayaa hoosta ka xarriiqay in xisbiyadan oo la jebiyo ay UDA xilliga doorashada guud ee sanadka 2027-ka ka dhigaysa mid awood leh.
Mas’uulkan ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kakamega sheegay in la joogo xilligii bulshada ku nool Galbeedka wadanka ay adeegsan lahayd istaraatiijiyad siyaasadeed.

Cleophas Malala ayaa baaqan diray xilli uu qaabilay barasaabkii hore ee ismaamulka Bungoma Wycliffe Wangamati oo ka tirsanaa xisbiga DAP-Kenya balse ku soo biiray UDA.
Xisbiga ANC ayaa horay u sheegay inuunan marnaba ku biiri doonin UDA.