Baarlamaanka oo ansixiyay isbeddelo laga sameynaya waaxda socdaalka ee dalka

0
277

Xildhibaannada baarlamaanka dalka ayaa meel mariyey isbeddelo laga hirgelinaya waaxda socdaalka iyo jinsiyadda ee wadanka si meesha looga saaro ciriiriga la xiriira bixinta baasaboorrada.
Xubnaha guddiga baarlamaanka ee maamulka qaran iyo amniga oo tagay daarta Nyayo House ee magaalada Nairobi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in isbeddelladan ay horseedi doonaan in la yareeyo mudadda ay kenyaanka ku qaadato helidda baasaboorka ka dib marka ay codsadaan.
Tallaabooyinka uu ansixiyay golaha qaran ee xeer dejinta waxaa ka mid ah in shaqaalaha waaxda socdaalka ay howlgalaan labo xilli oo kala ah maalinkii iyo habeenkii.
Tani ayaa tirada baasaboorrada ee maalin kasta la daabici jiray oo ahayd 1,500 ka dhigtay 4000 .
Waxaa bishii la soo dhaafay la daabacay in ka badan 100,000 oo baasaboorro ah tani oo tirada aan weli la dhameystirin ka dhigaysa 43,000 .