Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in la maalgeliyo tamarta la cusbooneysiin karo

0
234

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dowladaha qaaradda Afrika ugu baaqay inay kordhiyaan maalgelinta fursadaha tamarta dib loo isticmaali karo.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay muujin doonto awoodda qaaradda ay u leedahay ka faa’iidaysiga tamarta laga dhaliyo kheyraadka dabiiciga ah, wax soo saarka beeraha ee casriga ah ee la jaanqaadaya cimillada iyo sidoo kale ilaalinta deegaanka.
Hoggaamiyaha Kenya ayaa intaasi ku daray in tani ay sidoo kale dardargelin doonto kobac dhaqaale iyo in la abuuro fursado shaqo oo malaayiin ah.
Waxaa uu tilmaamay in boqolkiiba 92 ee korontada Kenya laga soo saaro tamarta dib loo cusbooneysiin karo.
Ruto ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay in tiradan la gaarsiiyo boqolkiiba boqol sanadka 2030-ka oo sanadka 2040-ka wadarta guud ee keydka tamarta ay noqoto 100 GigaWatt.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Afrika laga doonaya inay ka faa’iidaysato dhul beereedkeeda si sare loogu qaado helidda cunnada sidoo kalena lacago looga helo nidaamyada abuurka .
Madaxweynaha dalka ayaa arrinkan ka sheegay kulanka wasiirrada ee shirweynaha arrimaha cimillada ee Afrika oo ka furmay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Xoghayihii Guud ee hore ee qaramada midoobay Ban Ki-moon aya dhankiisa waddamada horumaray ka codsaday inay kordhiyaan maalgelinta la tacaalidda isbeddelka cimillada ee Afrika.
Waxaa uu sidoo kale hay’adaha gargaarka kula taliyay inay sare u qaadaan taageerada ay ku bixiyaan wax ka qabashada dhibaatooyinka dhanka cimillada ee ay qaaraddu wajahaysa.
Ban Ki-moon ayaa soo jeediyay in maalgelinta ay noqoto toban jibbaar maadaama hadda sanad kasta la bixiyo 56 bilyan oo doolar.
Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ee arrimaha cimillada, John Kerry aya dhankiisa Kenya ku tilmaamay saaxiib muhiim ah gaar ahaan dadaallada caalamka ee lagula tacaalaya dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka ku yimaada cimillada.
Waxaa uu sheegay inuu ku faanaya inuu madaxweynaha dalka William Ruto garab ku siiyo ujeeddda shirweynaha cimillada ee Afrika oo ah in dhibaatooyinka cimillada ee qaaradda lagu xalliyo qaabab ay Afrika hormuud u tahay iyo in la helo fursado maalgalineed oo dheeraad ah.