Wasiirka tacliinta oo doonaya in jaamacadaha laga cafiyo qayb ka mid ah deymaha lagu leeyahay

0
227

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa sheegay inay wasaaradda maaliyadda iyo saamileyda kale kala tashanayaan in jaamacadaha dowliga ah ee wadanka laga cafiyo qayb ka mid ah 63 bilyan oo shilin oo lagu leeyahay.
Machogu ayaa xusay inay hadda warbixinno ka uruurinayaan jaamacadaha oo arrinkan looga hadli doono kulanka guddi la soo magacaabay.
Jaamacadaha ayaa deymaha lagu yeeshay ka dib markii dhaqaale la’aan awgeed aynan bixin canshuurta mushaaraadka iyo lacagaha caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.
Wasiirka ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay qorshahan ay tahay in xarumaha sare ee tacliinta ay u suurtagasho inay iska bixiyaan deymaha kale sida kuwa ay ku leeyihiin shirkado u qabiyay agab kala duwan.
Machogu ayaa intaasi ku daray in deynta lacageed ee dhan 63 bilyan oo shilin muddo shan ilaa Lix sano gudaheeda ah lagu yeeshay 32 jaamacadood oo dowli ah maadaama aynan miisaaniyad ku filan ka helin dowladda.
Wasiirka ayaa arrintan ka hadlay xilli uu magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru kula kulmay guddiga waxbarashada ee aqalka sare ee uu hoggaamiyo senatarka ismaamulka Murang`a Joseph Nyutu.