DHAGEYSO:In ka badan 50 qoys oo hooyi la’aan ku noqday deegaanka Limuru ee ismaamulka Kiambu

0
287

Waxaa lagu soo warramayaa in ka badan 50 qoys ay hooyi la’aan noqdeen ka dib markii uu dab qabsaday guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla deegaanka Limuru ee ismaamulka Kiambu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabka uu burburiyay hanti aan weli qiimaheedu la cayimin.
Dabka ayaa ka kacay mid ka mid ah guryaha saqdii dhexe ee xalay, isagoo ku fiday guryo kale oo uu yaallay gaaska cuntada lagu karsado taas oo sababtay inuu dabka xoogaysto.
Dadka ay waxyeellada soo gaartay ayaa warbaahinta ugu warramay khasaaraha uu dabka gaystay.

Dhanka, kale madaxda deegaanka ayaa ugu baaqay dowladda dhexe iyo maamulka dowlad deegaanka Kiambu in ay sameeyaan sanduuqa gurmadka oo loogu talagalay in lagu taageero ganacsatada iyo dadka deegaanka ee uu dabka saameeyay.