Booliiska Kirinyaga oo baaraya dhac laga gaystay dugsi sare

0
196

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kirinyaga ayaa baaritaano ku sameynaya dhacdo ay burcad hubeysan ku weerartay dugsiga sare ee Kiaga ee deegaanka hoose ee Kanyekiine oo ka tirsan bartamaha dowlad deegaankaasi.
Dhaca ayaa la soo tabiyay habeenkii ay Sabtida soo galeysay.
Sii hayaha xilka guddoomiye xaafadeedka Kanyekiine, Edward Kimotho ayaa sheegay in dhaca ay fuliyeen afar burcad ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kooxdan ay gacanta ku dhigtay labo waardiyeyaal ka dibna ay jabiyeen xafiiska maamulaha dugsigaasi halkaasi oo ay ka qaateen kombiyuutarro , labo taleefishin, 6 ka mid ah taleefoonnada gacanta iyo kaameerada duubta muuqaallada qarsoon ee CCTV-da.
Kimotho ayaa intaasi ku daray in burcadda ay ilaalada dugsiga goob ku xireen ka hor inta aynan dhaca gaysan.
Joan Murage, oo ka mid ah waardiyayaasha ayaa sheegay in burcadda ay ku hubeysnayd qoryo iyo baangado.