Madaxa wasiirrada dalka ,Musalia Mudavadi ayaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo caasimadda dalka Zimbabwe ee Harare.
Mudavadi oo matalaya madaxweynaha dalka William Ruto ayaa berri ka qayb geli doono caleema saarka madaxweynaha wadankaasi Emerson Mnangagwa .
Bayaan ka soo baxay xafiiska madaxa wasiirrada ee dalka ayaa lagu sheegay in Musalia uu halkaasi ku sugnaan doono labo cishe.
Xafladda dhaarinta ee Mnangagwa ayaa lagu qaban doonaa fagaaraha National Sports Stadium.
Waxaa bayaanka qayb ka ah in tani ay sii xoojin doonto xiriirka ka dhexeya labada waddan iyadoo ay dowladda Kenya dhanka kale madaxweynaha wadanka Zimbabwe ugu hambalyeysay in markii labaad loo doortay hoggaanka dalkaasi.
Mnangagwa ayaa ku guulaystay doorashadii guud ee toddobaadkii hore ka dib markii uu helay boqolkiiba 52.6 ee codadkii la dhiibtay in kastoo ay taasi walaac ka muujiyeen mucaaradka.
Guddiga doorashooyinka ee Zimbabwe ayaa shaaciyay in Nelson Chamisa oo si wayn ula tartamayay madaxweynaha uu helay boqolkiiba 44 ee codadka.
Xisbiga ZANU-PF ee uu siyaasigan ka tirsan yahay ayaa hoggaanka Zimbabwe hayay muddo 43 sano ah.