DHAGEYSO:Wetangula oo difaacay safarrada dibadda ee madaxweynaha dalka

0
239

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka , Moses Wetangula ayaa difaacay safarrada uu madaxweyne William Ruto ugu ambabaxo dalka dibadiisa.
Tani ayaa timid ka dib markii hoggaamiyaasha mucaaradka ay madaxweynaha ku eedeyeen inuu xilli hore guda galay olole ku aaddan doorashada guud ee sanadka 2027-ka.
Hasa ahaate Wetangula ayaa hoosta ka xarriiqay in safarrada dibadda ee William Ruto ay yihiin kuwo ku qotomo horumarinta dalka iyo sare u qaadidda xiriirka Kenya ay la leedahay waddamada kale ee caalamka.