Guddiga EACC oo ismaamullada ka dalbaday warbixinnada isticmaalka kheyraadka

0
243

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa guda galay tallaabooyin lagu xaqiijinaya in dowlad deegaannada aynan ku tagriifalin kheyraadka dadweynaha.
Afhayeenka EACC , Eric Ngumbi ayaa warbaahinta u sheegay in guddiga uu soo saaray wareegtooyin lala wadaagay barasaabyada iyo guddoomiyaasha goleyaasha hoose ee ismaamullada.
Mas’uuliyiintan ayaa lagu amray inay sameeyaan isbeddello lagula tacaalaya falalka lunsashada lacagaha dadweynaha.
EACC ayaa hoosta ka xarriiqday inay jiraan dulduleello dhanka hanti dhowrka ah.
Ismaamullada ayaa laga doonaya inay soo dhisaan guddiyo qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuqa.
Sidoo kale waxaa qoraalka EACC ku xusan in dowlad deegaannada looga baahan yahay inay muddo 60 cishe gudaheeda ah ku soo gudbiyaan warbixinno ku saabsan dhaqangelinta qorshahooda la dagaalanka wax isdaba marinta maaliyadeed.