Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Digniin loo diray shakhsiyaadka laaluuska ka qaata kenyaanka doonaya qaadashada baasaboorka wadanka

DHAGEYSO:Digniin loo diray shakhsiyaadka laaluuska ka qaata kenyaanka doonaya qaadashada baasaboorka wadanka

Waaxda socdaalka ee dalka ayaa heli doonta lacag dhan 1.3 bilyan oo shilin sanad maaliyadeedka 2023/2024-ka.
Dhaqaalahan ayay u adeegsan doonaan soo iibsashada qalab cusub oo loo adeegsado daabacaadda baasaboorrada.
Lacagtan ayaa sidoo kale kaalin ka qaadan doonto dib u habeynta kaabayaasha dhaqaalaha ee waaxda socdaalka wadanka.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki oo shalay booqday dhismaaha Nyayo House ee magaalada Nairobi, ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaabadan ay tahay mid lagu doonayo in sare loogu qaado tayada adeegyada la siiyo muwaadiniinta dalka.
Prof. Kindiki ayaa sheegay in la hormarinayo adeegyada laga bixiyo xarunta Nyayo House, oo ay hareeyeen eedeymo la xiriira musuqmaasuq.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in shakhsiyaad uu ku tilmaamay in laaluusha qaataan aan loo oggolaan doonin inay ka soo ag dhawaadaan agagaarka xarunta Nyayo House ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu intaasi ku daray in keliya codsadayaasha wata dukumeentiyada lagama maarmaanka ah iyo xubnaha shaqaalaha loo oggolaan doono inay xaruntaasi galaan.
Prof. Kindiki ayaa sheegay inay socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha lacagaha laaluuska ka qaata kenyaanka doonaya dokumentiyada aqoonsiga qaranka.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in dhammaan kuwa falalkan noocan ku lugta leh la xiri doona, islamarkaana lala tiigsan doono sharciga.

Kenyaanka doonaya qaadashada baasaboorka wadanka ayaa dhankooda ka hadlay muddo dheer ay qaadato soo saaristiisa.

Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in waaxda socdaalka ay diyaarisay miisas gaar ah oo si degdeg ah ula socda dhammaan codsiyada la xiriira aqoonsiyada qaranka, oo ay ku jiraan kuwa doonaya daryeel caafimaad, fursadaha waxbarasho iyo fursadaha shaqo.
Waxaa uu wasiirka carrabka ku adkeeyay in muwaadiinta codsanaya basaaboorka wadanka aynan wax lacag ah bixin doonin si loogu fududeeyo habaynta iyo bixinta baasaboorrada.
Waxaa uu u xaqiijiyay Kenyaanka in 44,000 oo codsi oo baasaboor ah lagu soo saari doono muddo 14 maalmood gudahood .
Kindiki ayaa uga digay saraakiisha ka howlgala waaxda socdaalka in ay lacag laalush ah ka qaataan kenyaanka, isagoo sheegay in lala xisaabtami doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments