Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa ismaamulka Kisumu ee gobolka Nyanza kulaN albaadbada u xiran yahay kula yeeshay senatarka gobolka Delaware ee dalka Maraykanka Chris Coons.
Raila ayaa bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku xaqiijiyay kulankan.
Dhinacyadan ayay wararku sheegayaan inay is waydaarsadeen aragti ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee wadanka.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in waxyaabaha ugu muhiimsan ee kulankooda uu ahaa wada hadallada u socda mucaaradka iyo dowladda.
Sidoo kale waxay isku afgarteen in aan marnaba la soo afjarin fursadda wada hadalka oo laga dhigo mid furan.
Ma cadda goorta uu senatarka gobolka Delaware Chris Coons uu la kulmi doono madaxweynaha dalka William Ruto.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo kooxaha kala matalaya isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza iyo Azimio uu wada hadalkooda maanta 11-ka barqanimo uu ka sii socon doono xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Ka hor kulanka maanta, dhinacyada kala matalaya labada dhinac oo ka kooban 10 xubnood, ayaa guddiga farsamada oo ay soo magacaabeen labada kooxood ayaa yeelan doona kulan horudhac ah oo gogol xaar u ah wada hadalka.
It was a great pleasure as usual to meet and exchange notes with my friend Senator @ChrisCoons. An afternoon well spent. pic.twitter.com/DuXrzXSEiz
— Raila Odinga (@RailaOdinga) August 13, 2023