Madaxweynaha dalka oo sheegay in dowladda ay kaydin doonto dhaqaalo badan si looga maarmo amaahda shisheeye

0
323

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda ay aad u danaynayso in ay kordhiso kaydka qaranka.
Waxaa uu sheeagay in tallaabadan ay wadanka u horseedeyso in amaaah shisheeye la qaadanin.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa carrabka ku dhuftay in amaahda shiisheeye ay curyaamisay dhaqaalaha dalka.
Waxaa uu xusay in 60-kii sano ee la soo dhaafay uu dalka kaydiyay lacag dhan 350 bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayuu madaxweynaha sheegay inuu ku kaydsan sanduuqa qaran ee howlgabka ee NSSF .
Waxaa uu tilmaamay in dowladda ay hiigsaneyso in muddo afar sano gudaheed ay laba jibaarto kaydka sanduuqa NSSF .