Dowladda dhexe ayaa shaacisay inay billaabeyso wajiga labaad ee diiwaangelinta beeralayda.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in diiwaangelinta cusub ay ku beegsanayaan kuwa aan wali nidaamkan ka qayb gelin.
Waxaa uu xusay in diiwaangelinta ay qayb ka qaadaneyso sidii ay beeralayda u heli lahaayeen bacrimin oo ay wax soo saarkooda ku kabaan.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa sheegay in beeralayda ay ka faa’iidaysteen wajigii hore ay diiwaangelinta.
Waxaa uu intaasi ku daray in sanadkan ay rajeynyaan in beeralayda ay dalag badan soo saaraan, maadaama qiimaha bacriminta hoos la dhigay.
Mr. Gachagua ayaa sheegay in dowladda ay ismaamullada kala shaqeyn doonto baarnaamijkan si loogu guulaysto.
Rigathi Gachagua ayaa xusay in sida kaliya ee lagu yareyn karo qiimaha sarreeya ee maciishadda ay tahay in kor loo qaado wax soo saarka beeraha.
Dowladda dhexe ayaa bishii koowaad ee sanadkan billowday inay uruuriso macluumaadka beeralayda si loo keydiyo xogahooda saxda ah oo loogu qaybiyo bacriminta iyo agabka beeraha.