DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in soo saaridda caanaha la labo jibbaari doono 5 sano gudahooda

0
319

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaciyay qorsho dowladeed oo muddo shan sano gudaheeda ah labo jibbaar looga dhigaya wax soo saarka caanaha ee wadanka.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in la dejiyey qorsho ballaaran oo arrinkan ku aaddan .
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda dhexe ay doonaysa in caanaha hadda la soo saaro sanadkii oo ah 5.2 bilyan oo liitar la gaarsiiyo ilaa 10 bilyan oo liitar.
William Ruto ayaa dakhliga sanad waliba laga helo ka ganacsiga caanaha ku sheegay ugu yaraan 200 oo bilyan oo shilin.

Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu Kiganjo oo ka tirsan ismaamulka Nyeri uu ku daahfuray warshadda caanaha ee KCC oo la casriyeeyay.