74 sano jir u dhashay dalka Jarmalka oo lagu xukumay 81 sano oo xabsi ah

0
588

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa nin da’diisu tahay 74 sano jir ah oo u dhashay dalka Jarmalka ku xukuntay 81 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay dambiyo la xiriiira ka ganacsiga carruurta.
Arrintan ayaa timid ka dib markii ay maxkamadda ogaatay in xeer ilaalintu ay caddeeyeen kiisaska ka dhanka ah Thomas Scheller.
Waxaa xukunkan maanta soo saartay garsoore Caroline Njangi.
Maxkamadda ayaa eedeysanaha ku heshay lix dambi.
Dambiga koowaad, waxaa lagu xukumay 30 sano oo xariga ah kaas oo ah ka ganacsiga carruurta halka kan labaad iyo saddexaad lagu xukumay midkiiba 15 sano oo xabsi ah.
Dambiyada 4-aad, 5-aad, iyo 6-aad ee lagu soo oogay ayaa ah inuu carruurta ka duubi jiray muuqaallo anshax xumo ah, iyadoo qaybtan lagu xukumay 21 sano oo xabsi ah.
Dambiyada lagu helay eedeysamaha ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa intii u dhexeysay sanadihii 2019 iyo 2020-kii.
Dhanka kale, maxkamadda ayaa baadari lagu magacaabo James Njuguna ku xukuntay 51 sano oo xarig ah, ka dib markii lagu helay dambi ah in carruur yar uu faraxumeeyay.