DHAGEYSO:Dowladda oo shaacisay in la dhameystiraya mashaariicda uu hakadka ku yimid

0
304

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku dadaalaya sidii lagu dhameystiri lahaa mashaariicda horumarineed ee uu dhaqangelintooda hakadka ku yimid.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qorshaha dowladda dhexe uu yahay in barnaamijyadan lagu soo gabagabeeyo muddo labo sano ah.
Ruto ayaa tilmaamay in tani ay qayb ka tahay xaqiijinta in sida habboon loo isticmaalo kheyraadka qaranka.
Xilli uu shalay ku sugnaa deegaanka Othaya ee ismaamulka Nyeri ayuu sheegay in aan mashruuc cusub la billaabi doonin iyadoo aan la dhameystirin kuwii horey loo billaabay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda ay doonaysa inay waddooyinka ka dhigto kuwo casri ah si loo dardargeliyo howlaha ganacsiga iyo kobaca dhaqaale ee dalka.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in qaybaha kala duwan ee wadanka laga dhisi doono 100 ah ceel biyoodyo waawayn si shacabka looga haqabtiro baahiyaha biyaha ee ay wajahayaan.