Wasiirka wasaaradda ganacsiga , maalgashiga iyo warshadaha ee dalka Moses Kuria ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu shir guddoomiyay kulan u dhexeeyay mas’uuliyiinta bangiga adduunka iyo shirkadda horumarka dalka ee Kenya Development Corporation.
Waxaa kulanka looga wada hadlay dardargelinta mashaariicda uu maalgelinaya bangiga adduunka ee laga fulinaya gudaha wadanka.
Wasiirka ayaa sheegay in bangiga adduunka uu lacag dhan 20 bilyan oo shilin ku bixinaya ilaa afar mashaariic oo lagu bartilmaameedsanaya xoolo dhaqatada , arrimaha shaqo abuurka iyo ganacsiga.
Moses Kuria ayaa xusay in deeqdan lacageed ay fududeyn doonto in la helo maalgelin lagu kobcinaya ganacsiga.
KES 20B to Deepen and Broaden access to Capital & Credit for Business Growth.
This Afternoon I chaired a meeting between World Bank and the Board of Kenya Development Corporation (@KDC_KE).
We discussed among other things, how to fast track ongoing world bank projects in the… pic.twitter.com/HmsH5KXT68
— CS Moses Kuria (@HonMoses_Kuria) August 7, 2023
— CS Moses Kuria (@HonMoses_Kuria) August 7, 2023