Maxkamadda sare ee dalka ayaa u yeertay agaasimaha guud ee maamulka maareynta tamarta iyo batroolka ee EPRA ,Daniel Kiptoo Bargoria.
Waxaa laga doonaya inuu maxkamadda ka soo hormuuqdo 13-ka bisha Sagaalaad ee sanadkan.
Mr. Kiptoo ayaa looga fadhiyaa inuu ka jawaabo sababta uunan ugu hoggaansamin amarkii ay maxkamaddu ku hakisay dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Act 2023 gaar ahaan in aan canshuurta laga qaado shidaalka la kordhin.
Waxaa lagu wadaa in madaxa EPRA uu sharraxaad ka bixiyo sababtii uunan u tixgelin go’aankii ay soo saartay garsoore Mugure Thande.
Waxaa dacwadda la xiriirta dafiraadda amarka maxkamadeed ee ka dhanka ah mas’uulkan gudbiyay senatarka ismaamulka Busia, Okiya Omtatah.
Maxkamadda ayaa go’aanka agaasimaha EPRA loogu yeeray shaacisay xilli shalay la dhageysanayay dacwado ka dhan ah xeerka maaliyadda.
30-kii bishii Lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii maamulka EPRA uu canshuurta shidaalka oo horay ahayd boqolkiiba 8 ka dhigay boqolkiiba 16 in kastoo uu jiray amar maxkamadeed oo taasi lagu hor istaagay.