Azimio oo kulan ku casuuntay Kenya Kwanza

0
375

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka oo uu isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya u soo xushay inuu ku hoggaamiyo wada hadallada siyaasadeed ee kala dhexeynaya garabka dowladda ayaa kulan ku casuumay siyaasiyiinta Kenya Kwanza.
Waxaa uu doonaya in kulankan uu qabsoomo Isniinta soo socoto oo ayna labada dhinac isku arkaan maqaaxida Serena ee magaalada Nairobi.
Azimio ayaa sheegtay in maadaama labada dhinac ay muujiyeen inay diyaar u yihiin in laga wada hadlo arrimaha muranka dhaliyay ay doonayaan in howshan la dedejiyo.
Mucaaradka ayaa horay u sheegay inuu rajeynaya in wada xaajoodyada ay qaataan muddo bil ah.