Nin burburiyay agabka korontada oo lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah

0
294

Maxkamadda ismaamulka Nakuru ayaa xukun xabsi oo 30 sano ah ama ganaax lacageed oo dhan 15 milyan oo shilin ku ridday nin lagu soo eedeyay inuu burburiyay agabka korontada.
Qalabka uu waxyeellada u gaystay ayaa qiimihiisu lagu sheegay 60,000 oo shilin.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Edwin Kiplangat Ngeno ayaa 26-kii bishii hore laga qabtay deegaanka Njoro ee ismaamulka Nakuru.