Barasaabka ismaamulka Siaya James Orengo ayaa soo dhaweeyay wada hadallada siyaasadeed ee la rajeynaya inay yeeshaan kooxaha kala matalaya mucaaradka Azimio iyo muxaafidka Kenya Kwanza.
Hasa ahaate waxaa uu sheegay in si wada hadallada ay u qabsoomaan ay sharad tahay in dowladdu ay joojiso dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Act 2023 .
Orengo ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulka madaxweyne William Ruto laga doonaya inuu qorshahan si degdeg ah meesha uga saaro.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ismaamulka Siaya xariga uga jaray suuq casri ah oo lagu dhisay ilaa 18.8 milyan oo shilin.
Home Wararka Kenya Orengo oo sheegay inay qasab tahay in laga laabto dhaqangelinta xeerka maaliyadda