Dowladda oo sheegtay inay diyaar yihiin isbeddellada xeerka dembiyada intarneetka

0
399

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr.Raymond Omollo ayaa sheegay inay diyaar yihiin isbeddello la doonaya in lagu sameeyo xeerka la tacaalidda falal dambiyeedyada lagu fuliyo intarneetka la soo saaray sanadkii 2018-kii.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani looga gol-leeyahay in lagu xakameeyo khiyaanooyinka sida xatooyada macluumaadka la isku aqoonsado iyo baraha la jabsado.
Waxaa uu xoghayaha xusay in tan iyo markii xeerka la ansixiyay sanadkii 2018-kii inay jiraan waxyaabo badan oo ku soo kordhay saaxadda dhijitaalka sidaasi awgeedna loo baahan yahay in la sameeyo dib u eegis sharciyeed.
Arrintan ayuu ka hadlay ka dib kulan uu la yeeshay guddi loo xil saaray inuu soo jeediyo talooyin ku aaddan xakameynta dembiyada iyo siyaabaha khaldan ee loo isticmaalo baraha intarneetka iyo qalabka kombiyuutarrada.