Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa soo saartay digniin ah in laga billaabo bisha Tobnaad ilaa bisha 12-aad ee sanadkan ay wadanka soo wajihi karaan xaaladaha cimillada ee loo yaqaano El Nino.
Xilliyadan oo ay soomaalidu u taqaano deyr biyo badan ayaa waxaa la diiwaangeliyaa roobab culus oo ay ka dhashaan daadad saameyn wayn reeba.
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee dalka Dr. David Gikungu ayaa sheegay in odoroska la xiriira in bilaha ugu dambeeya ee sanadkan ilaa horraanta sanadka 2024-ka ay xaaladahan jiri doonaan uu yahay boqolkiiba 90.
Waaxda ayaa intaasi ku dartay inay sii wadi doonto qiimeynta si ay kenyaanka ula wadaagto waxyaabaha soo kordhi karo.