Maxkamadda oo hor istaagtay amarkii lagu fasaxay jaridda dhirta

0
334

Maxkamadda qaabilsan arrimaha deegaanka iyo dhulalka ayaa soo saartay amar lagu hor istaagaya dhaqangelinta go’aankii uu madaxweynaha dalka William Ruto meesha uga saaray xannibaad horay loogu soo rogay jaridda dhirta.
Xayiraaddan ayaa shaqeynaysay ku dhawaad muddo 6 sano ah.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ka dib dacwad uu gudbiyay ururka qareennada dalka ee LSK.
Maxkamadda ayaa sheegtay in labo toddobaad aan lagu tallaabo qaadi karin isbeddelkii uu shaaciyay hoggaamiyaha dalka William Ruto.
Sidoo kale waxay maxkamaddu hor istaagtay bixinta leesimada la siiyo dadka ka ganacsado jaridda geedaha si ay alwaaxyo uga soo saaraan.
Maxkamadda ayaa dacwaddan dhageysan doonto 14-ka bishan Siddedaad.