DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ballanqaaday inuu taageeraya arrimaha tacliinta

0
344

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu si buuxda garab u siiyo barnaamijyada wax looga beddelaya hannaanka waxbarashada ee wadanka.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu warbixin ka guddoomay guddi loo saaray inay dib u eegis ku sameeyaan manhajka tacliinta ee dalka.
Waxaa guddigan hoggaaminayay Prof. Raphael Munavu.
Xubnaha guddigan ayaa soo jeediyay in la dhimo tirada maadooyinkii ay baranayeen ardayda maraya heerarka kala duwan ee dugsiyada wadanka taasoo walaac laga muujinayay.